Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Matayos 10:29-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Laba shimbirrood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis.

30. Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.

31. Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

32. Sidaa darteed mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, anna waan ku qiran doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

33. Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

34. Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

35. Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed.

36. Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.

37. Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.

akhri dhamaystiran cutubka Matayos 10