Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 5:5-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.

6. Laakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday.

7. Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

8. Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.

9. Markaasuu weyddiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay.

10. Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.

11. Buurta sinteedana waxaa joogay daaqsin weyn oo doofaarro ah oo daaqaysa.

12. Jinniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno.

13. Kolkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen, oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun.

14. Markaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay.

15. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen.

16. Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.

17. Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 5