Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 3:12-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

13. Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen.

14. Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,

15. iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.

16. Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,

17. iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,

18. iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,

19. iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

20. Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.

21. Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.

22. Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.

23. Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa?

24. Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.

25. Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.

26. Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho.

27. Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa.

28. Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;

29. laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah;

30. waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 3