Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 3:11-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

12. Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

13. Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen.

14. Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,

15. iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.

16. Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,

17. iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,

18. iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,

19. iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

20. Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.

21. Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 3