Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 14:64-72 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

64. Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.

65. Qaar waxay bilaabeen inay candhuuf ku tufaan oo wejigiisa daboolaan oo garaacaan, waxayna ku yidhaahdeen, Wax sheeg. Askartiina way dharbaaxeen.

66. Butros intuu hoosta joogay xaggii barxadda, waxaa u timid mid ka mid ah hablihii wadaadkii sare u shaqaynayay,

67. oo markay aragtay Butros oo dabka kulaalaya, ayay dayday oo tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasared.

68. Laakiin wuu dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu ma aqaan, garanba maayo waxaad leedahay. Markaasuu albaabka agtiisa tegey, diiqiina waa ciyey.

69. Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ku tidhaahdo, Kanu waa midkood.

70. Laakiin mar kale ayuu dafiray. Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda.

71. Laakiin wuxuu bilaabay inuu habaaro oo dhaarto isagoo leh, Anigu garan maayo ninkaas aad ka hadlaysaan.

72. Kolkii labaad ayaa diiqii ciyey; oo Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa, oo intuu ka fikirayay ayuu ooyay.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 14