Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 14:42-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

42. Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

43. Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimmada iyo waayeellada.

44. Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra.

45. Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday.

46. Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen.

47. Midkooda oo ag taagnaa ayaa seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadkii sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.

48. Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay?

49. Maalin walbaba macbudka ayaan idinkula jiri jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan, laakiin Qorniinku waa inuu rumoobo.

50. Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.

51. Waxaa daba socday nin dhallinyaro ah oo qaawanaantiisa maro jilicsan ka huwaday; wayna qabteen.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 14