Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 13:29-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

30. Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

31. Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.

32. Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee.

33. Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

34. Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.

35. Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba,

36. waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

37. Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 13