Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Markos 1:27-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan.

28. Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.

29. Oo markiiba kolkay sunagoggii ka soo baxeen, waxay galeen guriga Simoon iyo Andaros, iyaga iyo Yacquub iyo Yooxanaaba.

30. Simoon soddohdiis baa qandho la jiiftay, oo kolkiiba waxay isaga u sheegeen wax iyada ku saabsan.

31. Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga.

32. Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.

33. Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.

34. Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

35. Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.

36. Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

37. Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya.

akhri dhamaystiran cutubka Markos 1