Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 8:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,

2. iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen,

3. iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 8