Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 6:35-49 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

36. Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.

37. Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.

38. Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

39. Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin?

40. Qof xer ah macallinkiisa kama sarreeyo, laakiin mid walba markuu wanaag u dhan yahay wuxuu noqon doonaa sida macallinkiisa oo kale.

41. Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?

42. Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

43. Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa.

44. Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh.

45. Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

46. Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay?

47. Kii kasta oo ii yimaada, oo ereyadayda maqla, oo yeela, waxaan idin tusayaa kuu u eg yahay.

48. Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay.

49. Laakiin kii maqla oo aan yeelin, wuxuu u eg yahay nin dhulka ka dhisay guri aan aasaas lahayn. Kan webigu ku soo jabay, oo kolkiiba ayuu dumay, oo dumiddii gurigaasu waa weynayd.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 6