Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 6:26-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.

27. Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.

28. Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.

29. Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.

30. Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

31. Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

32. Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga.

33. Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan.

34. Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale.

35. Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

36. Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.

37. Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.

38. Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 6