Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 6:23-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.

24. Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.

25. Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan.

26. Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.

27. Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.

28. Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.

29. Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.

30. Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

31. Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 6