Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 4:9-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur;

10. waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan,

11. iyo, Inay gacmahooda sare kuugu qabtaan inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.

12. Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

13. Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.

14. Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan.

15. Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.

16. Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

17. Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

18. Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,

19. Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.

20. Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 4