Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 24:30-45 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.

31. Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay.

32. Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay?

33. Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

34. iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.

35. Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.

36. Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

37. Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.

38. Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?

39. Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay.

40. Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.

41. Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?

42. Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah.

43. Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.

44. Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.

45. Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 24