Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 24:24-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.

25. Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen.

26. Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo?

27. Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.

28. Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,

29. laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.

30. Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.

31. Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay.

32. Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay?

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 24