Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 24:14-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan,

15. oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.

16. Laakiin waa la indhasaabay si aanay u garanayn.

17. Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan.

18. Midkood oo Kale'obas la odhan jiray, ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma adigoo keliya oo Yeruusaalem deggan oo aan ogayn wixii ayaamahan meeshaas ka dhacay?

19. Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,

20. iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.

21. Laakiin waxaannu rajaynaynay inuu yahay kan Israa'iil soo furan lahaa, laakiin waxaas oo dhan weliba maanta waa u maalintii saddexaad markii ay waxaas oo dhammi dhaceen.

22. Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.

23. Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.

24. Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 24