Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 22:56-70 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

56. Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii.

57. Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.

58. Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.

59. Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.

60. Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.

61. Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

62. Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

63. Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.

64. Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?

65. Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.

66. Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,

67. Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

68. Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.

69. Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.

70. Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 22