Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 20:2-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

3. Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

4. Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

5. Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?

6. Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.

7. Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

8. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

9. Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.

10. Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.

11. Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.

12. Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 20