Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 2:44-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

44. laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.

45. Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.

46. Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.

47. Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.

48. Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

49. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?

50. Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.

51. Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.

52. Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 2