Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 2:40-48 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

40. Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.

41. Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.

42. Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.

43. Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,

44. laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.

45. Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.

46. Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.

47. Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.

48. Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 2