Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 2:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.

2. Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.

3. Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.

4. Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,

5. in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.

6. Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

7. waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

8. Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 2