Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 2:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.

2. Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.

3. Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.

4. Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,

5. in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.

6. Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

7. waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

8. Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.

9. Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.

10. Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.

11. Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.

12. Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.

13. Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 2