Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 16:6-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton.

7. Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan.

8. Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.

9. Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.

10. Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran.

11. Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?

12. Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?

13. Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

14. Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.

15. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.

16. Sharciga iyo nebiyadu waxay jireen ilaa Yooxanaa; tan iyo wakhtigaas injiilka boqortooyada Ilaah waa lagu wacdiyey, oo mid walbaba xoog buu ku galaa.

17. Laakiin in sharciga dhibic keliya ka dhacdo waxaa ka hawl yar in cirka iyo dhulku ay idlaadaan.

18. Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.

19. Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.

20. Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,

21. oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 16