Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 15:27-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Markaasuu ku yidhi, Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gowracay, waayo, ladnaan buu ku helay.

28. Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay.

29. Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo,

30. Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey.

31. Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh,

32. laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 15