cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Ninkii Uurweynaadka Qabay Ayaa Sabti La Bogsiiyey

1. Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.

2. Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba.

3. Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?

4. Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay.

5. Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin?

6. Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.

Is-hoosaysiinta Iyo Marti-soo-dhowaynta

7. Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,

8. Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho,

9. oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato.

10. Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.

11. Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

12. Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.

13. Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,

14. oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

Masaalka Ku Saabsan Iidda Weyn

15. Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

16. Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,

17. oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.

18. Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.

19. Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.

20. Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.

21. Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

22. Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.

23. Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.

24. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

Xernimada Micneheeda

25. Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

26. Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.

27. Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo.

28. Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale?

29. Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan,

30. iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay.

31. Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya?

32. Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo.

33. Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.

34. Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa?

35. Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.