Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Luukos 1:37-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

37. Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.

38. Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.

39. Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,

40. oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed.

41. Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.

42. Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.

43. Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado?

44. Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.

45. Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.

46. Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,

47. Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.

48. Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.

49. Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Quduus,

50. Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.

51. Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa, Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Luukos 1