Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Kolosay 3:9-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Been ha isu sheegina, waayo, idinku waad iska xoorteen dabiicaddii hore iyo falimaheediiba,

10. oo waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray.

11. Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.

12. Haddaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho.

13. Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela:

14. oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada.

15. Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada.

16. Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.

17. Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.

18. Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sida ay ugu habboon tahay xagga Rabbiga.

19. Nimankow, idinkuna afooyinkiinna jeclaada oo ha ku qadhaadhoobina.

akhri dhamaystiran cutubka Kolosay 3