Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Kolosay 3:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.

2. Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal.

3. Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah.

4. Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.

5. Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,

6. waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.

7. Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen.

akhri dhamaystiran cutubka Kolosay 3