Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Galatiya 6:4-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono.

5. Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.

6. Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

7. Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.

8. Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.

9. Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.

10. Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

11. Bal eega xuruufta waaweyn oo aan gacantayda idiinku soo qoray.

12. Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

akhri dhamaystiran cutubka Galatiya 6