cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Galatiya 4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Rumaysad Baa Lagu Noqdaa Carruurta Ilaah

1. Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,

2. laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.

3. Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;

4. laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,

5. inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.

6. Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.

7. Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

Dibunoqoshada Waa Laga Digay

8. Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.

9. Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?

10. Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado.

11. Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.

12. Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.

13. Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.

14. Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix.

15. Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.

16. Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?

17. Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.

18. Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya.

19. Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.

20. Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.

Labada Wiil

21. Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?

22. Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.

23. Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.

24. Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar.

25. Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.

26. Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen.

27. Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.

28. Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.

29. Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.

30. Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.