Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Galatiya 3:6-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

7. Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim.

8. Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.

9. Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.

10. In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga.

11. Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

12. Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa.

13. Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay,

14. inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.

15. Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro.

16. Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa.

17. Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo.

18. Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

19. Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis.

akhri dhamaystiran cutubka Galatiya 3