Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Galatiya 1:17-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.

18. Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.

19. Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.

20. Waxan aan idiin soo qorayo, Ilaah hortiis, been ka sheegi maayo.

21. Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya,

22. oo weliba laygama weji garanayn kiniisadaha Masiixa oo Yahuudiya ku yiil.

23. Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.

24. Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.

akhri dhamaystiran cutubka Galatiya 1