Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Filiboy 3:7-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey.

8. Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo

9. oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

10. inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya,

11. si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay.

12. Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay.

13. Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya.

14. Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix.

akhri dhamaystiran cutubka Filiboy 3