cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Filiboy 1 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Salaan

1. Annagoo ah Bawlos iyo Timoteyos, oo ah addoommadii Ciise Masiix, waxaannu warqaddan u qoraynaa kulli quduusiinta Ciise Masiix oo magaalada Filiboy la jooga hoggaamiyayaasha kiniisadda iyo caawiyayaasha.

2. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

Mahadnaqiddii Iyo Farxaddii Bawlos

3. Mar kastoo aan idin xusuustaba Ilaahay baan u mahadnaqaa,

4. oo kol kasta markaan kulligiin idiin duceeyo, waxaan idiin soo duceeyaa anigoo faraxsan

5. wehelnimadiinna xagga ka-wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan.

6. Anigu waxaan aaminsanahay in kan shuqul wanaagsan idinku dhex bilaabay uu dhammayn doono ilamaa maalinta Ciise Masiix.

7. Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba.

8. Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix.

9. Waxaan Ilaah ka baryayaa in jacaylkiinnu aad iyo aad ugu sii bato xagga aqoonta iyo waxgarashada oo dhan,

10. inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin ahaataan ilamaa maalinta Masiixa,

11. idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.

Wixii Ka Dhashay Bawlos Xidhnaantiisii

12. Haddaba, walaalayaalow, waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan in waxyaalihii igu dhacay ay injiilka horumar u noqdeen,

13. sidaas daraaddeed waxaa askartii boqorka iyo kuwa kale oo dhanba u wada muuqday inaan Ciise Masiix aawadiis u xidhnahay.

14. Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.

15. Runtii waxaa jira qaar Masiixa ku naadiya xaasidnimo iyo dirir, qaarna waxay ku naadiyaan niyo wanaagsan.

16. Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa,

17. laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.

18. Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa.

19. Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,

20. sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba.

Waxaa Nolosha Ii Ah Masiixa

21. Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido.

22. Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo.

23. Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay,

24. laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin.

25. Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood,

26. in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.

Dhiirrigelinta

27. Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

28. oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.

29. Maxaa yeelay, waxaa laydinku siiyey Masiixa aawadiis, mana aha inaad isaga rumaysataan oo keliya, laakiinse inaad isaga daraaddiisna u xanuunsataan,

30. idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.