Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 6:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waagaas waxaa dhacay, intii xertu badnaysay, in Yuhuuddii Gariigta ahayd ay ka gunuunaceen Cibraaniyadii, maxaa yeelay, carmalladoodii laga dhintay wixii maalin walba la siin jiray looguma hagarbixin.

2. Markaasaa laba-iyo-tobankii, intay isugu yeedheen kuwa badan oo xerta ka mid ahaa, waxay ku yidhaahdeen, Ma wanaagsana inaannu ereyga Ilaah iska dayno oo aannu miisas ka adeegno.

3. Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan.

4. Annaguse waxaannu ku sii adkaysan doonnaa tukasho iyo shuqulka ereyga.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 6