Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 25:20-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

21. Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.

22. Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Aniguba waxaan jeclaan lahaa inaan ninka maqlo. Markaasuu yidhi, Berritaad maqlaysaa.

23. Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.

24. Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 25