Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 22:7-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

8. Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.

9. Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

10. Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.

11. Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.

12. Oo mid la odhan jiray Ananiyas, oo nin cibaadaysan ahaa sida sharcigu leeyahay, oo ahaa mid Yuhuuddii halkaas joogtay oo dhanba marag wanaagsan u furtay,

13. ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii.

14. Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.

15. Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.

16. Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

17. Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

18. oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.

19. Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

20. oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

21. Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

22. Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 22