Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 22:19-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

20. oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

21. Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

22. Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

23. Oo markay qaylinayeen oo dharka iska xoorayeen oo siigo hawada ku tuurayeen,

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 22