Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 18:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.

5. Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.

6. Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

7. Markaasuu meeshaas ka tegey, oo wuxuu galay gurigii ninka Tiitos Yuustos la odhan jiray, kaasoo Ilaah caabudi jiray, oo gurigiisu ku xigay sunagogga.

8. Markaasaa Kirisbos oo sunagogga u sarreeyey baa Rabbiga rumaystay, isaga iyo kuwii gurigiisa oo dhanba; kuwo badan oo reer Korintos ahna ayaa markay maqleen rumaystay, oo waa la baabtiisay.

9. Haddaba Rabbiga ayaa wuxuu Bawlos habeennimo riyo ku yidhi, Ha cabsanin, laakiin hadal, hana aamusin;

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 18