Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 16:31-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.

32. Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan.

33. Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba.

34. Haddaba gurigiisuu iyagii keenay oo cunto hor dhigay. Isagoo Ilaah rumaysanna ayuu aad ula farxay kuwii gurigiisa joogay oo dhan.

35. Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.

36. Markaasaa xabsihayihii hadalladaas u sheegay Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Xaakinnadii baa amar soo diray in laydin sii daayo; haddaba soo baxa oo nabad ku taga.

37. Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 16