Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Falimaha Rasuullada 14:23-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.

24. Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya.

25. Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;

26. meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.

27. Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.

akhri dhamaystiran cutubka Falimaha Rasuullada 14