Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Efesos 5:26-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga,

27. si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.

28. Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;

29. maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;

30. waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.

31. Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.

32. Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda.

akhri dhamaystiran cutubka Efesos 5