Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Efesos 5:21-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.

22. Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.

23. Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka.

24. Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.

25. Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed,

26. inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga,

27. si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.

28. Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;

29. maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;

30. waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.

31. Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.

akhri dhamaystiran cutubka Efesos 5