Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Efesos 5:19-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.

20. Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix.

21. Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.

22. Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.

23. Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka.

24. Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.

25. Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed,

26. inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga,

27. si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.

akhri dhamaystiran cutubka Efesos 5