Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cibraaniyada 9:16-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Waayo, meeshii dardaaran jiro waa lagamamaarmaan inuu kii dardaarmay dhinto.

17. Waayo, dardaaranka waa la fuliyaa meeshii dhimasho jirto, maxaa yeelay, waxba ma taro intii kii dardaarmay nool yahay.

18. Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan.

19. Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba,

20. isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray.

21. Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii.

22. Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.

23. Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.

akhri dhamaystiran cutubka Cibraaniyada 9