Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cibraaniyada 8:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.

8. Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;

9. Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.

10. Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;

11. Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.

12. Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.

13. Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.

akhri dhamaystiran cutubka Cibraaniyada 8