Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cibraaniyada 2:10-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.

11. Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo,

12. isagoo leh, Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

13. Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey.

14. Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,

15. iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada.

16. Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim.

17. Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.

18. Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

akhri dhamaystiran cutubka Cibraaniyada 2