Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cibraaniyada 10:28-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa.

29. Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?

30. Waayo, innagu waynu naqaan kan yidhi, Aarsasho anigaa leh; oo waan abaalmarin doonaa. Mar kalena waxaa la yidhi, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa.

31. Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.

32. Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh.

33. Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay.

34. Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan.

35. Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh.

36. Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.

37. Wakhti yar dabadeed Kii iman lahaa wuu iman doonaa, mana raagi doono.

38. Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa; Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga.

39. Innagu ma ihin kuwa halaagga dib ugu noqda, laakiin waxaynu nahay kuwa rumaysad leh si naftu u badbaaddo.

akhri dhamaystiran cutubka Cibraaniyada 10