Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cibraaniyada 10:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo.

2. Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen.

3. Laakiin allabaryadaas waxaa sannad walba lagu xusuustaa dembiyo.

4. Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado.

akhri dhamaystiran cutubka Cibraaniyada 10