Axdiga Hore

Axdiga Cusub

2 Yooxanaa 1:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan,

2. runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed.

3. Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

4. Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.

5. Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno.

6. Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan.

7. Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.

8. Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

9. Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.

akhri dhamaystiran cutubka 2 Yooxanaa 1